Jaamacadaha ardaydoodu ugu dembiyada badan yihiin waxa ka mid ah King’s College, London oo 3.79% dambiyo galaan ardayda wax ka barta

0
236

Dalka Ingiriiska waxa arday badan looga digaa inay noqdaan dembiilayaal, iyagoo lagala taliyo inaanay jaamacadaha qaar waxbarashada u doonan.

Ardayda ku jira jaamacadaha ku yaal magaalooyin iyo tuulooyin ka mid ah dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inay 80% galaan dembiyo ka mid yihiin xaatooyo guryo-jabsi, budhcad iyo xadgudubyo ay dad kale kula kacaan sida kormeer la sameeyey sannadkan lagu shaaciyey.

Jaamacadaha ardaydoodu ugu dembiyada badan yihiin waxa ka mid ah King’ss College oo London ku taala oo 3.79% dambiyo galaan ardayda wax ka bartaa.

Jaamacadaha dibadda uga baxsan caasimadda London waxa ugu khatar badan Jaamacadda Hul oo 2.58% dambi 1,000 ardayba galaan, halka laba jaamacadood oo Manchester ku yaalna la mid yihiin.

Haddaba, meelaha jaamacadahoodu ugu amnisan yihiin dalka England, waxa kaloo soo raaca jaamacadda Durham, halka Jaamacadda London ka ammaan fiican tahay Kingston University.

Daraasadda arrintan lagu soo bandhigay waxay ku salaysan tahay tirakoob dhinacda dambiyada ah oo sannadkan Jaamacadda Boqortooyada Ingiriiska laga sameeyey.

Idale News Online