Jaalliyada reer Jowhar ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa deeq gaaraysa ilaa 5000 shan kun oo doolar oo lagu iibiyey Bariis, Bur iyo Saliid waxaa loo qeybiyey dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay fattahaadaha wabiga Shabelle oo hareeyey deegaanada Jowhar ku wareegsan.
Deeqdaan oo aheyd lacag kaash ah oo ay iska soo aruuriyeen jaaliyada reer jowhar oo dhameyd $5000 Dollar ayaa waxaa la gaarsiiyey ilaa 240 qoys oo ahaa dad aad u danyar oo laga kala soo xulay 4-ta xaafadood ay ka kooban tahay Degmadda Jowhar.
Waxaa ka mahadceliyey Deeqdaas dhamaan dadkii la gaarsiiyey waxaayna codsi u direen jaaliyadaha kale ee ku kala nool wadamada kale waxaayna ugu baaqeen inay la soo gaaraan gurmad degdeg ah.
DAAWO SAWIRADA
Idale News Muqdisho