Jaaliyadda Digil-Mirfle Australia waxay deeq lacag oo dhan $4,000.00 (US Dollar Afar Kun) ugu deeqeen walaalahooda tabaalaysan oo sugan degmada Ceel Berde, Gobolka Bakool. Deeqdaas lacagta oo la gudoonsiyey Guddoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Maxamed Cabdi “Tall” waxaa door weyn ka qaatay Guddoomiyaha Jaaliyadda DM ee Australia Mudane Awes Sheikh Muxiyadin Amin oo ku deeqay lacag dhan $1,000.00 (US Dollar Kun) oo ka mid ah deeqdaas. Jaaliyadda DM ee Australia waxay ka mid tahay Jaaliyaddaha DM oo door wax ku ool ah ka qaata horumariinta iyo howlaha banu-aadinimada ee qoomiyada DM.
Idale News ONline