Xalay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu magacaabay in Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu noqonayo agaasimaha hay’adda Nabad sugidda qaranka wuxuuna hadda hayay xilka safiirka Soomaaliya ee UK.
Sanbaloolshe waxa uu u dhashay beesha Xawaadle waxaana warar isa soo taraya ay sheegayaan in beesha Xawaadle aysan heli karin labo wasiir.
Wararka ay Warbaahinta heleyso ayaa sheegaya in saacadaha soo socda wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre xilka laga qaadi doono deetana xilkaasi loo magacaabayo beel kale maadaama 4.5 ay ku dhisan tahay dowladda.
Isku shaandheyntani waxaa si dar-dar leh ay uga soconaysa xafiiska Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed, waxaana la filayaa in sida ay ku dhisnaayeen xukuumadihii hore un lagu dabaqo.
Indhaha siyaasiyiinta ayay aad u qabteen wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Goodax Barr,Madaxweynaha Ayaa tageeray ragani uu Raysal wasaraha Badalayo iyadoona Horay isku dhaganayeen madaxweynaha Iyo Raysal wasaraha Ayaa Weerarkii kadib U Muuqanaysa Inay isbadalkani ku heshiiyeen.