Xiriirka qaarada yurub ee UEFA ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan caawa isku aadka 32-da koox ee koobka horyaalada yurub.
Kadib markii ay xalay Milan soo dhaaftay PSV ayey soo dhameystirmeen kooxaha 32-da ah.
Magaalada Manoco ayaa loogaga dhawaqi doonaa isku aadka ,xili markii koowaad labo looga kala qaaday qori tuurka Champions League iyo Europe League .
Kooxda Man City ayaa ka walaacsan in ay ku dhacday Group adag markii sadexaad oo xiriie ah ,xili ay labo sano oo xiriir ah ay dhaafi waayeen Group-yada .
Daily Mail ayaa Groupka ay ku riyooneyso Man City ku tilmaamay Porto,Schalke,Man City,iyo Austria Vienna.
Laakiin Gruopka qarawga ee Man City ayaa lagu tilmaamay Bayern Munich,PSG,Man City iyo Napoli.
Waxaa loo qeybiyay afar qanadood (pot) oo lagu saleeyay awoodii kooxahan ay ku lahaayeen koobka shantii sano ee la soo dhaafay.
Labo koox oo isku wadan ah iskuma dhici karto
Waa kuwaan qaanadaha oo dhan
Qaanada 1-aad: Bayern Munich, Barcelona, Chelsea, Real Madrid, Manchester United, Arsenal, Porto, Benfica
Qaanada 2-aad: Atletico Madrid, Shakhtar Donetsk, Milan, Schalke, Marseille, CSKA Moscow, PSG, Juventus
Qaanada 3-aad: Zenit, Manchester City, Ajax, Borussia Dortmund, Basel, Olympiacos, Galatasaray, Bayer Leverkusen
Qaanada 4-aad: Copenhagen, Napoli, Anderlecht, Celtic, Steaua Bucharest, Viktoria Plzen, Real Sociedad, Austria Vienna.
Idale News Muqdisho