RW Saacid oo markii ugu horraysay ka hadlay heshiiskan dhacay, ayaa yidhi “Heshiiska maanta ay Addis Abbaba ku wada saxeexdeen Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dhamaan ummadda Soomaaliyeed.”
Ra`isulwasaaraha oo bartiisa Facebooga qoraalkaasi ku soo daabacay ayaa waxa uu ka hadlaya inuu Heshiiskani tusaale fiican u yahay horukaca umadda soomaaliyeed, ayaa yidhi,“Waxa heshiiskani markhaati ka yahay sida ay ummadda Soomaaliyeed ay wax iskula meel dhigi karaan, ee ay meesha uga saari karaan farqiyada u dhexeeya.”.
Sidoo kale waxa uu Ra’iisal wasaare Saacid tilmaamay inay arrintani caddaynayso inay dawladdiisu diyaar u tahay inay maamulkeeda ku fidiso Gobolada iyo Degmooyinka soomaaliya iyo waliba inay dawladdu diyaar u tahay inay tanaasulaad badan samayso.
Wafuudii ka kala socotay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa wada-hadallo dheer oo ay yeesheen ka dib ku heshiiyey qodobo dhowr ah oo lagu xalinayo khilaafkii ka dhacay Magaalada kismaanyo.
Idale News Muqdisho