Intee lala damacsanaa qaraxii saakey la kacey raggii farsameynaayey…

0
190

Baaritaano ay Sameeyen Saraakiisha Ciiddamadda Dowladda, AMISOM, iyo Sirdoonka ayaa waxaa lagu Ogaaday in Qaraxii saakay ku qarxay Raggii farsameynaayay ee ka dhacay Degmada Wadajir uu ahaa mid la doonaayay in lagu weeraro Xarunta Xalane ee Magaallada Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa Shabakadda Soomaalidamaanta u sheegay in Macluumaad ay heleen uu sheegaayo in Raggaasi ay Habeennimadii xalay usoo hoyden Gurigaasi iyagoona ilaa iyo xalay Farsameynaayay Qalabka Qaraxa loo adeegsan lahaa, waxa uuna intaa ku daray in Raggaasi loogu maqnaa gaari nooca yar yar oo la doonaayay in Qaraxa lagu rakibo, hayeeshee uu halkaasi iyaga kula qarxay.

explosionInHome

Waxa uu sheegay in Qaraxa la doonaayay in lagu weeraro Xarunta Xalane, sida uu ka soo xigtay mid kamid ahaa Raggi ku dhawacmay Qaraxa.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in Reerkii lahaa guriga la xiray, ka gadaal markii la Ogaaday inay taageero u ahaayen Wiilashii uu Qaraxa la kacay.

Ugu dambeyntii, Ma aha markii ugu horeysay oo Qarax noocaasi ah uu la qarxo Dhagar qabayaashii Qaraxa ma leegaayay, wallow intuba ay Xukuumadda gacanta ku dhigeysay dadkii ku dhaawacmaayay.

Idale News Online