Muqdisho:-Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isugu jiray Rag, Haween iyo Caruur ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasi oo laga soo tarxiilay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Dadkan oo tiradooda ay dhameyd 250 qof ayaa waxaa keentay diyaarad kasoo qaatay Riyaad, waxayna mudo bilooyin ah ay ku soo jireen xabsiyada ku yaal Sacuudiga.
Sida ay ku warameen dadka laga soo tarxiilay Sacuudiga ee maanta laga soo dejiyay Muqdisho, waxaa weli xabsiyada Sacuudiga ku jira Muwaadiniin kale oo sugaya diyaaraddii kasoo qaadi laheyd Sacuudiga, waxayna qaadan kartaa mudo bilooyin kale ah in ay sugaan diyaarad.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda kasoo tarxiisha dadka Soomaaliyeed ee sharci darada ku jooga iyo ajaaniibta kale, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay wadeen olole lagu raafayo Soomaalida iyo Itoobiyaanka.
Idale News Online, Muqdisho.