SHirkii Maamul u sameynta Gobolada KG soomaaliya ee Baydhabo Janaay oo gudagalay wajigii sedexaad.

0
199

Baydhabo Janaay: Kulan balaaran oo lagu daah furayay wajigii sedexaad ee dhamaystirka iyo turxaan bixinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee koonfurGalbeed ayaa waxa uu maanta ka dhacay Xarunta ADC magaalada Baydhabo.

Kulankan oo ahaa mid lagu soo bandhigayay gudiyada maamulka Shirka sii wadi doona howsha inta laga gaarayo dhismaha gudiga doorashada oo howsha kala wareegi doona kuna wareejin doona howsha Madaxweynaha la doorto.

Waxaa kulanka ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosoow,Siyaasiga Maxamed Cali Xaamud,Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Malaaqyada KoonfurGalbeed.

Taageeriyaasha Shariif Hassan ama Dadka raacsan Mamaul ka kooban 3 Gobol ayaa maanta si aan gabasho laheyn loogu hanjabey waxaana loo sheegey in Baydhabo aysan wada qaadi doonin oo Baydhabo ay iska baneeyaan.

Kulankaan oo ahaa mid si wada jir ah uga soo wada qeyb galeen malaaqyada 6 Gobo u ololeynayey iyo Mamaulka uu hogaamiyo Abdi Aadan Hoosow ayaa waxay saxaafda ku sheegen in Baydhabo loo fadhiyo lana dhisayo maamul 6 Gobol ka kooban oo aan cidna laga gaban doonin.
Waxaa sidoo kale maanta la magacaabey Gudi si KMG ah u hogaamin doono Shirka Baydhabo waxaana madax loogu dhigey Maxamed Cali Xaamud
Dadkii Maanta Madasha ka dhadley waxaa kamdi ahaa;.
1– Malaaq Xasan Shure Maxamuud
2- Malaaq Deerow
3- Fowzi C/nuur
4- Cabdi aadan Hoosw
5- Cusmaan macalin
6- Farkeeto
7- Maxamed Cali Xaamud
8- Maxamuud Sayid Aadan
KG soomaaliya.
Idale News Online, Baydhabo Janaay.