Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee DF Somalia Caydiid Cabdullaahi “Ilka Xanaf” oo ka hadlaayay duulaankii ka dhacay dhismaha Hotel Maka Al-mukarama, ayaa sheegay in Ciidamada DF Somalia aysan u babac dhigi karin Maleeshiyaadka Alshabaab.
Ilka Xanaf, ayaa sheegay in Ciidamada DF Somalia aysan ka dhaqaaqi karin dhibaatooyin dhowr ah oo ka heysta dhanka Taliyayaasha Amaanka.
Wuxuu sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab uu dagaalkoodu yahay mid aan la ogeyn xilliga ay soo qaadayaan, goobta ay ku qaadayaan iyo sida ay u qaadayaan taasina ay keeneyso in mar walba ay dhacaan weeraro waaweyn waxa uuna tusaale usoo qaatay weerarkii Jimcihii ka dhacay Dhismaha Maka Al-mukarama.
Sidoo kale, Ilka Xanaf ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay garab muuqda iyo mid aan muuqan ay ka helayaan shaqsiyaad ka tirsan DF oo caqabad ku ah Amaanka dalka, wuxuuna sheegay in sirdoonka Alshabaab uu yahay mid adag.
Ugu dambeyntii waxaa laga weydiiyay sida ay xaaladiisu tahay iyo halka uu ku dambeeyo Maxamad Cumar Carte Ra’isul wasaare ku-xigeen ku dhaawacmay weerarkii Hotel Centeral, waxa uuna cadeeyay in Cumar Carte uu weli la jiifo dhibaatadii kasoo gaartay Qaraxyadii mataanaha ahaa, isagoona u rajeeyay Caafimaad.
Idale News Online, Muqdisho