RW, CCC Sharma’arke Oo Xabsi Siyaaadeed La Geliyey

0
224

Muqdisho(INO)-Siyaasiyiin ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in R/W CC uu xiligaani banaanka ka joogo siyaasadda dowladda.

Xubnaha warkan siiyey xoghoose oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ay cadaadis xooggan ku hayaan ra’isul wasaaraha, islamarkaana uusan xor u aheyn inuu kaligiis go’aan gaaro.

Siyaasigan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo xulafadiisu ay ka dhamaan la’ yihiin Xafiiska Ra’isul wasaaraha, waxa uuna sheegay inay iska yartahay talaabooyinka uu qaadi karo Cumar Cabdirashiid, oo saacad kasta la ag joogo.

“Dhab ahaantii Somalia waxa ay ka caagan tahay Cadaalada iyo kala dambeynta, waa wax jira in Cumar Cabdirashiid uu xiligaani ku shaqeynaayo magac aan awood madax-banaan laheyn, waxaa la xadiday talaabooyinka kaga aadan Siyaasada dalka, run ahaantii waxaa rumooweysa waxyaabihii laga sheegi jiray Dam-Jadiid” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in ficil waliba uu sameynaayo Ra’isul wasaaraha uu marka hore kala tashanaayo xubno badan oo ka tirsan Dam-jadiid, islamarkaana ka hoos shaqeeya xafiiskiisa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here