Tababar sida haweenka uga hortagi lahaayeen kufsiga oo Muqdisho ka furmay (SAWIRRO)

0
197

Kulankan oo socon doona mudo sedax maalmood ah ayaa lagu baranayaa tababar la xiriira sidii haweenka soomaaliyeed ay isaga difaaci lahaayeen qataraha dhanka ammaanka la xiriira gaarahaan xiliyada ay jiraan damaca kufsiga ka dhanka ah haweenka.

Tababarkan oo ay iska kaashanayaan wasaarada horumarinta adeega bulshada iyo qeybta AMISOM u qaabilsan haweenka iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa ka faa’ideeysanaya ilaa 20 haween ah oo ka kala yimid gobollada shabeelooyinka,Banaadir.

Furitaankii tababarkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayado ka turjumaya ahmiyada ay leedahay in tababar difaacu nafsi ah la siiyo haweenka soomaaliyeed,si ay nafsadooda uga  difaacaan qataraha la xiriirka ammaanka.

Madaxa xafiiska AMISOM u qaabilsan haweenka iyo arrimaha bulshada Maana Axmed ayaa sheegtay in haweenka ka qeyb galaya tababarkan la bari doono casharo la xiriira difaaca nafsadooda.

Wasiirka horumarinta adeega bulshada xukuumada soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed oo ka hadashay furitaanka tababarkan ayaa sheegtay in ahmiyad gaar uu u leeyahaytababarkan  haweenka soomaaliyeed.

“Ma ogolin in lagu xad gudbo gabar soomaaliyeed.mana lagu xad gudbi karo,dowladana mowqifkaas ayey ka taagantahay,muhiim ayeyna noo tahay in gabdhaha soomaaliyeed la baro sidii ay nafsadooda ku difaaci lahaayeen”, ayey tiri wasiirada.

Wasiirada ayaa ugu baaqday haweenka ka qeyb galaya tababarkan in ay ka faa’ideeystaan,waxana ay AMISOM uga mahadcelisay taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dowladda soomaaliya.

Idale News Muqdisho