Hoggaamiyihii Afgambiga Burkina Faso oo Is-casilay iyo Madaxweynihii oo xilka lagu Wareejiyay

0
226

Ouagadougou(INO) — Hogaamiyihii Afgambigii ka dhacay dalka Burkina Faso Jen. Gilbert Diendere ayaa is-casilay, isagoo maanta awoodda xukunka ku wareejiyay Madaxweynihii KMG ahaa ee Waddankaas, Michel Kafando oo Ilaalada Madaxtooyadu ay Xukunka ka maroorsadeen Toddobaadkii hore.

Michel Kafando oo saakay oo Arbaco ah Wariyeyaasha kula Hadlayay Ouagadougou oo ah xarunta Dalkaas ayaa sheegay in isaga iyo xukuumaddiisii dib loogu soo celiyay Awoodda, ayna dib u billaabayaa howlihii maamulka Dalka.

Aroornimadii saakay ayay ilaalada Madaxtooyada dalkaas Xukunka dib ugu Wareejiyeen madaxweynihii KMG ahaa ee dalkaas iyo xukuumadiisii, kaddib markii go’aankan ay soo saareen waddamada galbeedka Afrika oo ku shirsanaa magaalada Abuja ee xarunta dalka Nigeria.

Sidoo kale, Ciidamadii Millateriga ahaa ee Waddankaas oo soo galay Magaalada xilli ay ka caroodeen Af-gambiga lagu sameeyay Xukuumaddii Burkina Faso ayaa ogolaaday iyaguna inay dib uga baxaan magaalada illaa masaafo dhan 50-km.

Jen. Gilbert Diendere oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Af-gambiga Sameeyay ayaa Wacad ku maray Talaadadii shalay inuu Xukunka Wareejinayo haddii Hoggaanka Dalalka Galbeedka Afrika ay soo saaraan amar ah inuu xilka wareejiyo.

Magaalada Ouagadougou ee Xarunta Dalka Burkina Faso ayaa Waxaa ka jirtay Xiisad iyo Mudaaharaadyo ay shacabku dhigayeen tan iyo markii la Af-gambiyay Xukuumaddii hore. Iyadoo dibadbaxyada shacabka dalkaas ay soo jiiteen inay ciidanka waddankaas soo galaan gudaha caasimadda si ay jawaab uga bixiyaan af-gambiga Xukuumadda lagu sameeyay.

Goobjooge ku sugan Caasimadda ayaa sheegay in waddooyinka guud ee Magaaladaas ay Maanta yihiin kuwo maran, iyadoo Shacabkii Mudaaharaadyada dhigayayna ay ku sugan yihiin guryahooda.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Dalka Burkina Faso oo Dalkaas Xukumayay 27-sano ayaa isaga Cararay Dalka Sannadkii hore ee 2014-ka, Kaddib markii Kacdoonno looga soo horjeeday xukunka muddad dheer uu haystay.

Ugu dambeyn, dibadbaxyadii looga soo horjeeday afgambiga ee xarunta dalkaas ka dhacay ayaa Waxaa ku Geeriyooday 10 Ruux oo Shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacyo 100 Ruux oo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiyeyaasha Dalalka Galbeedka Afrika ku yaalla ayaa Waxay Go’aansadeen in Xukunka uu sii hayo Madaxweynaha KMG-ka ah ee dalkaas oo dib loogu Wareeiyay Xukunka maanta oo Arbaco ah Tan iyo ay Doorashooyinka dalkaas dhici doona kuwaasoo loo asteeyay inay dhacaan 11-ka Oktoobar iyo 22-ka November 2016-ka.

Idale News Online, Ouagadougou

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here