Muqdisho(INO)— Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay albaabka ugu horeeya ee Koontaroolka Madaxtooyada ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen in ka badan sodon ruux.
Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas laga lahaa hadaf iyo qorshe, isla markaana lala beegsaday halkii hadafka aheyd.
“Weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday wuxuu ahaa mid hadaf iyo qorshe laga lahaa, beryahan waxaa shirar shirqoolo umada Muslimiinta lagu hagar daameynayo uga socdo halkaas oo ay isugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka loogu yeero ee ay u shaqeynayeen”ayuu yiri Cali Dheere.
Mar uu ka hadlayay in weerarkaas uu ahaa mid bartilmaameedkiisu kaliya ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayuu tilmaamay in isaga aanu si gooni loogu beegsaneyn weerarkaas.
“Ninkaas Nicholas Kay waa ka mid ahaa ragga meesha ku shirayay waliba raga ugu waa weyn ka mid ahaa, laakiin si guud ayuu bartilmaameedka ahaa, dan goono oo nooga xirn ma jirin, maadaama qeyb ka yahay, dadka la beegsanay ka mid ahaa iyo hogaamiyeyaasha gobolada lama kala reebinn”ayuu hadalkiisa ku soo daray Cali Dheere.
Weerarkan ayaa ku soo aaday, wax yar kadib markii war murtiyeed laga soo saaray shirkii wada tashiga ahaa, waxaana waxyeelo ka soo gaartay Ilaalada Nicholas Kay, xilligii ay ka soo baxayeen Madaxtooyada.
Idale News , Muqdisho, Somalia