Hogaamiyaha Alqaacida Oo Ku Baaqay In la Mideeyo Kooxha Xag-jirka ah

0
229

Riqa(INO)-Dr Ayman Azaahire oo ah hugaamiyaha Ururweynaha alqaacida ayaa ku baaqay in la mideeyo kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalamaya Wadamada Siiriya iyo Ciraaqa si buu yiri looga guuleysto Wadamada reer galbeedka.

Cajalad Maqal ah oo lasoo dhigay barta internedka ayaa hugaamiyaha uu kaga hadlay in laga xal gaaro tafaraaruqa ku jira kooxaha u dagaalama Al qaacida iyo ISIS islamarkaana ay ku mideeyaan awoodooda.

Hadalka Dr Aymana ayaa imaanay, iyadoo bilooyin ka hor uu shaaciyey in magaca khilaafada islaamka ee ay la baxday kooxda Daacisha uu yahay mid khaldan oo aan sharci aheyn, waxaan haatan muuqanaya in hogaamiyaha alqaacida uu doonayo in uu xiriir wanaagsan la yeesho kooxda ISIS oo ay ku biireen ururo badan oo ka tirsanaa alqaacida.

Idale News Online, Riqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here