Hogaamiyaasha Koofur Kuuriya iyo Japan oo Markii Ugu Horeysay Kulmay

0
222

Seol(INO)— Kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan muddo sanooyin ah hogaamiyaasha wadamada Koofur Kuuriya iyo Japan ayaa ka dhacay magaalada Seol ee dalka Koofur Kuuriya.

Madaxweynaha Koofur Kuuriya Park Geun-hye iyo Ra’iisul wasaare Shinzp Abe ayaa kulankooda waxa uu yahay mid ay ku raadinayaan sidii loogaga gudbi lahaa raadadkii ay reebeen dagaalo qaraar oo labada dal hore u dhex maray.

Kulankan subaxnimada Isniinta dhacay ayaa ah mid uu hogaamiyaha Japan Abe ku raadinayo in uu horumar ka sameeyo xiriirka kala dhexeeya dalka Koofur Kuuriya maadaama ay sii kordheysa loolankakala dhexeeya dalka Shiinaha.

Abe oo xukunka qabsaday dhamaadkii 2012kii iyo Park oo xafiiska la wareegtay horaantii 2013 ayaa la sheegay inaysan shir jaraa’id qaban kulankooda marka uu soo idlaaday.

Saxafiyiinta ku sugan magaalada Seoul oo uu kulankan ka dhacay ayaa soo sheegay in kulankan uu qaatay muddo saacad ah iyadoo la filayay in wax kayar saacad inay wadahadlaan labada hogaamiye.

Labada dal ee jaarka ah ayaa awoodi waayay in ay ka heshiiyaan taariiqdii hore u soo martay iyadoo intii u dhexeysay 1910-1945tii dowlada Japan ay gumeysanaysay dalka Kuuriya, waxana weli xusuus weli ku hartay shacabka Koofurta Kuuriya oo lagu qasbay hawenkooda inay jirkooda ka ganacsadaan xiliyadii dagaalka waxaana kulanka maanta uu ahaa mid hogaamiyaha Japan uu la kulmay haweeney madax ka ah wadanka aan weli iloobin dhibaatadii ka soo gaartay gumeysigii Japanka.

Kulankan ayaa waxaa ka sii horeeyay mid ay yeesheen hogaamiyaasha wadamada Koofur Kuuriya,Japan iyo Shiinaha waxana ay isku raaceen inay soo celiyaan kulankii ay sanad walba yeelan jireen si isku dhaf dhinaca dhaqaalaha gobolka u yeelan lahaayeen.

Idale News Online, Seol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here