Nairobi (INO) — Hay’ado Caalami ah oo gaaraya 15 ayaa Walaac ka muujiyay Go’aankii Dowladda Kenya aya ku xirtay Shirkadaha Xawalaadaha Soomaalida ku yaalla dalkeeda.
War Saxaafadeed ay Maanta si wada jir ah usoo saareen Hay’adaha kala ah Oxfam, Care International, Adeso iyo World Vision ayay ku muujiyeen sida ay ug axun yihiin Talaabado Kenya ay ku xirtay Shirkadaha, iyagoo ku baaqay in dib loogu fasaxo shaqadooda.
“Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee Kenya waxay bixiyaan adeegyo muhiim u ah Shacabka, waxayna haystaan Ruqsado sharci ah oo ay ugu shaqeynayaan dalkan, ma ahan in shaqada looga joojiyo Al shabaab lacago loogu diray loo xiro, sidaasi ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Hay’adaha.
Hay’adahan Caalamiga ah ayaa ugu baaqay Kenya inay ka laabato Go’aankeeda, islamarkaana ay si Deg Deg ah ugu ogolaato Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida inay shaqadooda dib u bilaabaan.
Warkan ayaa yimid markii Talaadadii lasoo dhaafay ay Kenya ka joojisay 13 Shirakdooda oo Xawaalado ah & 86 Account oo ay shaqsiyaad leeyihiin, kuwaasi oo ay ku eedaysay inay maalgeliyaan Kooxaha Argagaxisada dalkeeda ku sugan.
Go’aanka Kenya ayaa ka danbeeyay Weerarkii dhawaan Al shabaab ka geesteen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay in ka badan 148 Ruux oo u badan Ardayd dhigaynaysay Jaamacadaasi.
Ganacsatada Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale dowladda Kenya ugu baaqay inay fasaxdo Shirkadaha Xawaaladaha, oo ay ku tilmaameen inay yihiin Howlbowlaha Nolosha Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya oo Noloshooda ku tiirsan tahay Lacagaha Dibadda looga soo xawilo.
Idale News Online – Nairobi