Hadal Kulul Xildhibaan Afaraale: Waa Dambiiliaal Kuwa Dowlada Ka Tirsan Ee Tagey Caleema Saarkii Axmed Adoobe.

0
182

Muqdisho-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa ka hadlay Arimaha Gobolada Jubbooyinka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in waxa ka socda Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan Magaalada Kismaayo ay yihiin wax aan Indhaha laga qarsan Karin.

Xildhibaan Max’ed Xuseen Isaaq (Afaraale) ayaa sheegay in Caleemosaarkii Axmed Madoobe uu ahaa mid Xaaraan ah islamarkaana Axmed Madoobe uu yahay Danbiile.

Afaraale ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka baxay Heshiiskii Dowladda ay kula gashay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, waxaana uu ku baaqay Xildhibaanka in Madoobe la soo Xiro maadaama uu yahay Danbiile Dalka Xasuuq ka geeystay.

Xildhibaan Afaraale ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe aysan jirin meel uu uga baxay Ururkii Burburay Ee Xisbul Islaam, islamarkaana asaga iyo Xasan Daahir Aweys ay isku Danbi yihiin.

“Axmed Madoobe waa Danbiile Xasuuq ka geestay Deegaan uusan kasoo jeedin, waana in Ninkaas oo kale lala xisaabtamaa sida Xasan Daahir Aweys” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen.

Xildhibaanada ayaa intaa ku daray in Axmed madoobe uu Gobolada Jubooyinka uu ku hayo Dhibaatooyin ay ka mid yihiin Dil, Dhac iyo Barakicin.

Afaraale

Idale News Online