Al-Shabaab oo sanado ka dib sheegtay in weerar hoobiyayaal ah ku qaadeen garoonka diyaarada ee magaalada Muqdisho

0
186

Al-Shabaab ayaa sheegatay in sanado kadib weerar hoobiyeyaal ah ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay sheegeen inuu saldhig ciidan u yahay Ciidamada AMISOM.

Madaafiicda Hoobiyeyaasha ayaa xalay abaarihii 1-dii saq dhexe la maqlay, iyadoo qaarkood ku dhacay xaafado ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha sida Bangaariyo iyo Buulo Xuubey ee degmada Wada Jir.

Barta Facebook ee Idaacada Al-andulus ee ku hadasha codka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Hoobiyeyaasha ay gudaha ugu dhaceen garoonka diyaaradaha

alshabaabBaraawe

Inta la og yahay waxaa madaafiicda ku dhaawacmay afar ruux oo labo caruur iyo labo haween ay ahaayeen, waxaana sidoo kale la soo sheegayaa in xoolo ariga oo sideed ahaa ku dhinteen, halka ceel biyood ku yaalay xaafada Buulo xuubey oo madfac ku dhacay uu jaray tubooyinkii biyaha.

Madaafiicdii xalay laga maqlay magaalada ayay dadka dib u soo xusuusiyeen dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacayay magaalada Muqdisho sanado ka hor.

Waa markii u horeysay oo muddo sanado ah Al-Shabaab ay duqeeyaan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane oo saldhig weyn u ah Ciidamada AMISOM.