Guux hoose oo maalmahan kasocda magaalada Muqdisho iyo madaxda sare oo ka war helay

0
512

Hadalheyn xoog leh ayaa laga dareemayaa goobaha bulshadda ku kulanto ee magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Guuxa ugu balaaran ayaa wuxuu yahay cabsi laga qabo in ay caasimadda ka dhacaan banaanbaxyo waaweyn sida dalalka Carabta.

Dadweynaha ayaa isla dhexmaray in sidoo kale mudaaharaadyadda ay gedaal ka riixayaan siyaasiyiin iyo wadamo dano gaar ah leh.

Dadkan ayaa waxay ka careysan yihiin xirnaanshiyaha wadooyinka magaaladda, taasoo mudooyinkii dambe sii korodhay.

Warbixinada ayaa qeexaya in sidoo kale dadku ka careysan yihiin amni daradda iyo balanqaadii Cumar Filish ee xirnaanshiyaha wadooyinka oo aan fulin.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa barbar socda guluf ka dhan ah guuxaan oo ay dowladdu damacsan tahay in ay ku baajiso banaanbaxyadda.