Gudoomiyaha Leego “Labo Kamid Ah Ciidamada Itoobiya ayaan Hawdka Kasoo Helnay”

0
277

Leego(INO)-Gudoomiyaha degaanka Leego ee Dowlada Federaalka Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa sheegay iney heleen ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ahaa kuwii dorraad iyo shalay lagu helay inta u dhaxaysa Leego Iyo Buur-hakaba, kuwaasoo intoodii badbaaday ay jihooyin kala duwan u firxadeen.

ciidamada Itoobiya

Abuukar ayaa sheegay in ciidamadoodu sameeyeen hawl gallo ay ku baadi goobayaan ciidamadaasi Itoobiyaanka ah, ayna maanta u suura gashay iney labo kamid ah soo helaan.

Wuxuu sheegay iney jiraah ciidamo badan oo hawdka ku lunsan, ayna doonayaan iney soo badbaadiyaan. Waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo tirada ciidankaasi iyo sidoo kale khasaaraha ay kala kulmeen dagaaladii doraad iyo shalay intaba soconayay.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa galabnimadii Khamiista qabsaday dagaal culus,xilli ay saad ka qaateen degaanka Leego kuna sii jeedeen degmada Buur-hakaba.

Idale News Online, Leego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here