Daawo:Dalxiiska Kenya Oo 25% Hoos U Dhacay & Shaqo La’aanta Oo sare U Kacday

0
326

Nairobi (INO) — Wasaaradda Dalxiiska Kenya ayaa ku sheegtay Warbixin ay soo saartay in Amni la’aanka dalkaasi ka jirta ay keentay inuu Hoos u dhaco Dalxiiska.

Teaser Image Dalxiiska Kenya oo 25% Hoos u dhacay & Shaqo La’aanta oo sare u kacday {Sawirro}

Dadka Ajaaniibta ah ee Xaalamka u imaan jiray Dalxiiska Kenya ayaa 25% Hoos u dhacay 4 Bilood ee ugu horeysay ee Sanadkan 2015, waxaana taasi loo sababeeyay Weerarada Al shabaab & Amni La’aanta.

Dhaqaalaha Kenya oo ku tiirsanaa Dalxiiska ayaa heerkii ugu xumaa taagan hadda, kadib markii ay  xirmeen Hoteeladii ku yaalla Deegaanada & Degmooyinka Xeebta ku yaalla, waxaaa Shaqo la’aan noqday Kumaan Shaqaale ah oo dalka Kenya u dhashay.

Kenya safari

Tirada Dadka ka yimaada Dalalka Yurub & Mareykanka ee booqan jiray Kenya waxay noqdeen 284,313 Bishii January illaa May 2014, halkii hore ahaayeen 381,278.

Dalxiisiyaasha ka imaan jiray UK oo ah dalka ugu badan oo Dadkiisa ay Dalxiis u tagaan Kenya ayaa Hoos u dhacay 35%, iyadoo Mareykankana Dalxiisiyaashiisu noqdeen Sanadkan kuwa hoos uga dhacay 22%.

Henry Rotich, oo ah Wasiirka Maaliyadda Kenya ayaa sheegay in markii Alshabaab ay weerareen Westgate shopping mall 2013 uu noqday dalkaasi mid ay isaga baxaan Dadkii Maalgashiga ku samayanayey & sidoo kale ay ka baqaan Dalxiisiyaasha aadista dalkaasi.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Amniga xumida Kenya ay wax badan u dhintay Dhaqaalahooda oo ku tiirsanaa Dalxiiska & Maalgashiga Reer Galbeed, ee Hoteelada Casriga ah & Goobaha dalxiiska maalgashan jiray.

Xeebaha Dhaadheer ee dalka Kenya ayaa hadda noqday Qad Cagaaran oo aan la tagi karin, iyadoo albaabada la isagu dhuftay Hoteeladii & Goobahiii kale ee Ganansiga.

Idale News Online – Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here