Muqdsho(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa markii ugu horeeysay waxa uu ka hadlay arinta Maamulak KMG Jubba iyo mooshinkii barlamaanka laga geeyay ee la meel mariyay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay guddi heer wasiir ah ay u sareen in ay tagaan Kismaayo kuwaasi oo la fadhiisan doona maamulka KMG Jubba iyo dadka dega degaanada maamulkaasu uu ka arimiyo.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto waxyaabo wali mugdi ku jira ayna doonayaan in daaha laga rogo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in ay Xaliso Khilaafka kala dhaxeeya Maamulka KMG Jubba ee Mudooyinkaan Taagnaa.
Halkan KaDhageyso.
Idale News Online, Muqdisho