Gudoomiye Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Ee Degmada Baydhabo Oo Ka Hadley Nadaafad Xumo Ka Jirto Magaalada Baydhabo

0
225

Baydhabo(INO)-Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Arimaha Bulshada Ee Degamada Baydhabo  ee Gobolka Bay Mukhtaar Shar’ma’arke (Garas) ayaa Maanta ka Hadley Nadaafad Xumuda iyo Noolasha Dadka Barakacyaasha Ah ee ku dhibaateysan Gudaha Xerooyinka Barakacayaasha Ee Magaalada Baydhabo.

Garas

Gudoomiyaha Ayaa sheegey in Nadaafaada Magaalada Baydhabo ay sii xumaaneyso iyadoona Hay’adaha Acted, Sado, iyo DDG ay wadeen Mashruuca Ololaha Nadaafadda Baydhabo kuwaaso ku dhawaad 1300 oo ruux ka shaqeeynayeen Nafaada Magaalada.

“Magaalada waxa dhexyaala qashan badan, Wasaaradda Gaadiidka iyo Garoomada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Shirkada Galeyr ayaa sheegeen in la wareegeen aruutinta Qashinka iyo dhismaha wadooyinka, qashan Qarmuun ah ayaa kor yaalaan  meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta Gaadiidka Rayidka ee Wassaradda Gaadiidka iyo Garoomada, waxaan codsaneyna in la qaado Qashan kaasi” ayuu yiri Mukhtaar.

Dhan kale waxa uu  tilmaamey in uu dhawaan Booqadey Xerooyin qaxooti oo ay ku yaalaan Gudaha Magaalada Baydhabo, kuwaasoo uu sheegey in qaar ka mid ah wax la siyey qaarna laga tagey, isla markaana dadka ku jira Xeriyookaasi ay ka muuqatey dhibaato badan, waxana uu baaq dheer u direy Hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyahada Koonfur Galbeed Sooomaaliya ee Shanta qaaradood ee dunida inay gurmud deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi oo uu saameyey roobabka Deyrta.

“Dhibaato weyn ayey qabaan Barakacyaal aan booqadey, qaar waxaa loo dhisey Baraako, qaarna waxay ku jiraan guri laga sameeyey Cooshash iyo Bacooyin, waxay u baahan yihiin gargaar Deg deg ah” ayuu mar kale yiri Gudoomiye Mukhtaar.

Ugu dambeyntii, Meelaha ugu Nadaafada xun ee magaalada Baydhabo isla markaan lagu soo daadiyey qashin fara badan ayaa waxay ay tahay Buundada wey Ee Isha Baydhabo Qashin kaasoo laga yaabo in dadka Xaafadaasi uu u keeno Cuduro maadama lagu jiro xilli roobaab.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Baaashaa@www.idalenews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here