Guddoomiye Jawaari oo ku baaqay in Baarlamaanka laga tala geliyo War Murtiyeedka Higsiga

0
176

Muqdisho ( INO)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayay Bayaankii ka soo baxay shirkii wadatashiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la baal marin Dastuurka dalka laguna saleeyo qodobada war Murtiyeedka.

Sidoo kale Afhayeenka Baarlamaanka ayaa ku baaqay in Xildhibaanada laga talo siiyo qodobada shirka Higsiga lagu gaaray  maadaama ay yihiin Golaha Shacabka Soomaaliyeed sida uu  yiri Jawaari.

Shalay ayaa qodobo dhowr ah waxaa laga soo saaray Madashii wadatashiga ee looga arrinsanayay Hanaanka doorasho ee sanadka 2016.

Qodobada War Murtiyeedka ah ee ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga Qaran ayaa iyagu u muuqday kuwa labada dhinac ee qaabka qabiilka iyo Hab deegaanka kala taageersan lagu qancinayay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here