Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka digay dagaalo sokeeye ka dhaca Burundi

0
226

New York(INO)— Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ka digay dagaalo sokeeye inuu ka bilowdo dalka Burundi, xilli uu sii kordhayo qalalaasaha dalkaas ka socda oo mudada sideeda bilood.

Ban Ki-moon oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha iyo dilalka ka sii socda dalkaas.

“Waxaan aad uga naxay qalalaasaha iyo rabshadaha dalkaas ka sii socda, waxaa ka wal walsanahay in dagaalo sokeeye inuu ka dhaco Burundi”ayuu yiri Mr Ban.

Mr Ban Ki-moon ayaa sheegay in Burundi uu u dirayo la taliyihiisa gaarka ah, si Madaxda dalkaas, kuwa Gobolka iyo Midowga Afrika ugala hadlo xaalada sii xumaaneysa ee dalka Burundi ka taagan.

Todobaadkan gudihiis ayaa waxaa Burundi ka dhacay dilal dhowr ah iyo isku dhacyo, waxaana wadooyinka caasimada Bujumbura laga helay illaa kontameeyo meydad ah.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay tan iyo markii rabshadaha ka bilowdeen dalkaas ay ku barakaceen boqolaal kun oo ruux oo u cararay dalalka deriska.

Waxaa laga cabsi qabaa inay dib u soo laabtaan dagaaladii u dhaxeeyay qowmiyadaha Hutu iyo Tutsi, isla markaana uu dhaco xasuuq.

Tan iyo bishii April ee sanadkan waxaa Burundi ka taagnaa qalalaaso siyaasadeed, markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay in mar saddexaad uu isu soo sharaxayo xilka, taasoo ay ka hor yimaadeen mucaaradka.

Idale News Online, New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here