Daawo:Gollaha Wasiirada KGS Oo Maalinta Berito Lagu Amrey Inay Baydhabo Ku Soo Xaroodaan iyo Isku Shaandheyn La Filaayo

0
266

Baydhabo(INO)- Shirar Gooni Gooni ah oo kala  Gedisan oo Xasaasi ah ayaa xaley ka dhacey Gudaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo dhexmarey Gollaha Wasiiraddda, Xildhibaanada KG Soomaaliya.

Gollaha Wasiirada KG Oo Ansaxey Miisaaniyaa Dowlada

Kullamadaas, waxay ahaayeen kuwo Gooni gooni isla markaana uu la yeelanayey Mas’uuliyiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh.

Dhamaan wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwooda kama qaman Magaalada Baydhabo Ee Caasimada KMG ah KGS ayaa lagu amrey Maanta inay soo Xaroodaan Baydhabo isla markaana waxaa  la filayaa in maalinta berito uu dhaco Shir ballaaran oo ay isugu imaanayaan Gollaha Wasiiradda, Xildhibaanada iyo Gollaha Guurtida KG Soomaaliya

Maalinti berito waxay ku began tahay maalintii la magacaawey intooda badan Gollaha Wasiiradda KGS, isla markaana waxa jiro Dhoor wasaaradood oo aan weli waxba u qabsoomin, ka dib markii dowlada KGS ay ka heli weysey Beesha Caalamka Dhaqaalihii looga talagaley Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Wasiirada  iyo Shaqaalaha Dowlada KG Soomaaaliya Ee Mudadii hal sano ah ee ay jireen  isla markaana ay ku shaqeynayeen mashahaar  la’aan iyo daruuf adag, taasoo dib u dhacyo badan ku yeelatey Horumarka Degaanada KGS.

Dhanka  kale  ilo Xog ogaal ah ayaa Warbaahinta Idalenews.com u sheegeen in madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu doonayo in Qaar ka mid ah Gollahiisa Wasiiradda, isku shaandheyn iyo Xil ka qaadis uu ku sameeyo .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  sidoo kale doonaya inuu yareeyo Wasiiraddan tirada badan isla markaana  waxa la sheegey inuu doonayo inuu ku soo koobo 10 wasiiro, Ku Xigeeno tiro yar iyo  Wasiiru Dowliyaal.

 

Warkan Waxii ka Soo Kordha kala Soco Wararkeena Dambe

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here