Xudur(INO)- Ciidamadda Xoogga dowlad gobaleedka konfur galbeed soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, iyagoo Maleeshiyaad ka tirsan alshabaab uga soo qabsadeen hub iyo Gaadiid.
Sida uu soo sheegayo Wariyaha Warbaahinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, ee Gobolka Bakool,
Ciidamadda ayaa howlgalkaan ka sameeyay 5 deegaan oo hoostaga Gobolka Bakool kuwaas oo maleeshiyaadka Shabaab ay dadka ku dhibaateen jireen.
Dagaal aan sidaa Ubadneen ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamadda Xoogga dowlad gobaleed konfur galbeed soomaaliya iyo kuwa Alshabaab iyadoo hub iyo gadiid laga soo qaatay Kooxdaas.
Ugu dambeuntii, Xaaladda Deegaannadaas ayaa hadda daggan iyadoo ciidamadda Dowladda iyo kuwa Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed ay ku suganyihiin deegaannadaas.