Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa lagu soo dhaweeyay kooxdii kubbadda koleyga ah ee Garoowe City taasoo ka qeybgashay tartankii kubadda kolayga ee magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay dalka Tanzania.
Mas’uuliiyiinta maamulka Puntland, kan gobolka Nugaal, maamulka degmada, ciyaartoy, ganacsato iyo ururrada bulshada ayaa kooxda uga hor tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, waxaana kaddib ay u soo gudubtay barxadda magaalada Garoowe oo ay ku sugnaayeen boqollaal qof oo isku soo baxay.
Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay kooxda mudan tahay in la garab istaago.
Madaxda iyo qeybihii kale ee bulshada ee ka qeybgalay soo dhaweynta kooxda ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay heerka ay ka gaartay tartanka oo ahaa kan kama dambeysta ah (final).
Idale News Online, Garawe.