Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxa’uud ayaa Cafis u fidiyay Jeneraal Cabdi Maxa’ed Ismaaciil, oo ahaa Taliyihii Ciidanka Asluubta oo Xabsi Daa’in lagu xukumay.
Maxkamadda Cidanka Qalabka Sida, ayaa Bishii December 2012, Jeneraal Cabdi Maxamed Ismaacill waxa ay ku xukuntay Xabsi Daa’in (Cimrigaa haku-furto), kadib markii lagu helay Denbi ah in uu Xabsiga Dhexe kasii daayay Xubno ka tirsana Kooxda Al shabaab.
Maxkamada ayaa sidoo kale Cabdi Maxamed Ismaacill ka qaaday xilka Taliyaha Ciidamada Asluubta oo loo magacaabay bishii February ee sanadkii 2012, isagoo maqan oo baxsad ah balse dib loo soo qabtay 29-kii October, 2013 xilli uu ku dhuumaalaysanayay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan la kulmay Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Jeneraal Cabdi Maxamed Ismaacill, kuwaasi oo dalbaday in lasii daayo Maxbuuska.
Jeneraal Cabdi Maxamed Ismaacill, oo lasii daayay Khamiistii lasoo dhaafay isagoo ku lebisan Dareeska Ciidanka Asluubta, oo Darajadiisii hore ee Jeneraalnimo xiran, waxaana uu uga mahadceliyay Madaxweynaha Cafiska uu u fidiyay, isagoo tilmaamay in uu Shaqadiisa dib ugo soo laabtay.
Madaxweynaha ayaa dhowaan kula kulmay Muqdisho Odayaashii soo xulay Xildhibaanada kuwaasi oo kala hadlay xoojinta Xariirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Odayaasha dhawanka.
Idale News Online , Muqdisho