BF Soomaaliya oo diiday shirkadda Favori in dalka ay ka shaqeyso.

0
203

Mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray shirkadda Favor ee maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku diidday shirkadda Turkiga laga lee yahay iyagoona xukuumadda ku celiyay sharciga ay ku shaqeyso shirkadda Favori, xilli maalmihii  dambe dood kulul uu baarlamaanka ka lahaa shirkadaasi .

Fadhigii  maanta uu yeeshay golaha baarlamaanka waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 139-xildhibaan, waxayna mudanayaasha baarlamaanka kaga doodeen shirkada Favori iyo sharciga ay ku shaqeyso.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado shirkadda in garoonka ay ka shaqeyso iyo in kale  waxaana u codeeyay xildhibaano gaaraya 124 kuwaasoo diidday in shirkaddan ay dalka ka sii shaqeyso, waxaana ay ku amrayn xukuumadda in ay dib u eegis ku sameeyso heshiiska lala galay shirkadda Favori.

13 xildhibaan ayaa ka aamusay halka labo xildhibaanna ay ku codeeyeen inaan xukuumadda lagu celin sharcigaasi, sidda uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari .

Shirkada Favori ee ka howlgashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa garoonka la wareegtay muddo 8-bilood kahor, xilligaasi oo ay kal wareegtay maamulkeeda shirkadii SKA ee garoonka maamuli jirtay.

Kulanka-Baarlamaanka-Maanta-3511h

Idale News Online, Muqdisho.