iyadoo dhowaan Puntland ay xiriirka u jartay dowlad fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id uu xarunta maamulka GalMudug ee magaalada Gaalkacyo ku qabtay Wasiirka Waxbarshada dowlad gobaledka Soomaliyeed ee GalMudug Maxamed Cabdul Qaadir Xaashi waxa uu dhaleecayn u soo jeediyay Wasaradaha Hormarinta iyo Adeega Bulshada taasi oo ku aadan deeqaha waxbarsahada ee dowlada Soomaaliya ay ka heshay
Caalamka, waxana uu tilmaamay in wasaradahaasi ay sameeyeen wax is dabamarsiin qaabka loo maamulay deeqaha waxbarshada waxaana uu sheegay in kaalintii ay lahayeen ardayda Malmudug la musuq maasuqay. Maxamad Cabdul Qaadir Xaashi ayaa sheegay in si qaldan loo maamulay deeqaha waxbarashada ee la siiyay ardayda soomaaliyeed waxaana uu tilmaamay in ardayda Galmudug waxbarshadii ay xaq u lahaayeen aan la siin isla markana deeqaha waxbarshada dowlada aysan ka fiirsan qaabkii ay wax u maareeyeen. Ugu danbeen wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed C/ Qaadir Xaashi ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay ka xun tahay hadalki dhowaan ka soo yeeray
Mas,uuliyinta wasaarada hormarinta iyo adeeqa bulshada hadalkaan ka Soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Galmudg ayaa waxa uu ku Soo Beegmaysaa xili wasaarada waxbarsahada Puntland ay shaac ka qaaday in Si qaldan loo maamulay deeqihi Waxbarshada ee loogu tala galay ardayda Somaliyeed
Idale News Online