Diyaarad hub iyo saanado milateri u siday Ciidamada AMISOM ayaa saakay ku bur burtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii si qalad ah ay u soo caga dhigatay wadada Run Way-ga garoonka diyaaradaha.
Ilaa afar ruux oo ahaa shaqaalihii diyaaradaha ayaa ku dhintay, iyadoo labo kale ay dhaawacyo culus ay soo gaareen sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Diyaaradaan ayaa laga lahaa dalka Itoobiya, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn halka saanada milateri ka soo qaatay, waxaana shilkan diyaarada uu sababay in gebi ahaan la hakiyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sarkaal ka tirsan howl wadeenada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in diyaarada ay aheyd mid weyn, oo markii garoonka diyaaradaha ay soo degeysay mar kaliya ay ka baxday wadada, dabadeedna uu dab qabsado.
Diyaarada ayaa ilaa daqiiqado badan ay aheyd mid sii qarxeysay, maadaama uu hub saarnaa, iyadoo dadaalo la doonayay in lagu damiyo dabkan uu noqday mid suura geli waayay.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay AMISOM oo ku aadan diyaarada saaka ku bur burtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee saanada milateri siday.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idale News Online Mogadishu, Somalia