G/Gobalka Shabeellaha Hoose oo ka digay dhul boob ka socda deegaanka Jazeera

0
231

Ibraahim Aadam Najax oo u waramay Radio Muqdisho waxa uu ka digay dhulalka la kala iibsanayo iyo kuwa uu sheegay in la boobayo oo ku yaala Deegaanka Jazeera ee Duleedka Muqdisho oo hoostaga Degmada Afgooye.

Gudoomiyaha waxa uu tilmaamay in dadka looga baahanyahay inaysan Waraaqo been abuur ah in dhulal looga iibsado ha dhowna ay ka timaado dhibaato.

“Waxaan rabaa inaan halkaan baaq uga diro dadka Soomaaliyeed ee ku nool nawaaxiga Jazeera iyo ganacsatada ah inaan lagu qaldin dhulka ay dowladda leedahay, sharciyadana ay iyada u leedahay inay bixiso, waan ognay waxaa jira shaqsiyaad wata waraaqo been abuur ah oo doonaya inay dadka ka iibiyaan dhulka danta guud” ayuu yiri Guddoomiyaha.