Garowe(INO)- Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa markii u horraysay ka hadlay caqabadaha dhaqaale ee haysta guddiga doorashooyinka heer Puntland oo hore u sheegay inay joojinayaan doorashada haddii aan wax laga qaban.
Afhayeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal Maxamed Keynaan oo la hadlayay Bandhiga Barnaamijka Deperani Show iyo Machadka hayaan oo xalay lagu qabtay Garoowe, ayaa sheegay inuusan ogayn dhibaato dhaqaale oo haysata guddiga doorashadda heer Puntland, islamarkaana uusan qabin lacag la’aan doorashooyinka loo joojiyo.
“fikirkii oronayay lacag la’aan ayaa jirta, lacagihii waa yaaliin, annagu waxaanu qabnaa in ay dhinaca farsamada tahay oo sida loo dalbanay iyo habka ay marayso, dadka maamulaya soomaali ma aha waa shirkado waaweyn oo sida ay u shaqaynayaan iyo waqtiga ay wax ku bixinayaan iyo qaabka ay wax u hubinayaan waqti badan ayay qaadanaysaa, taasi ayaa keentay in meelaha qaarkood yiraahdaan waqtigii baa naga dhacay, laakiin lacag la’aan doorashooyin loo joojiyo annagu ma qabno inay jirto” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay
“ Qolooyinka Puntland ma ogi dhibaato weyn oo ka taagan, waan maqlaayay inay lahaayeen, laakiin markii aan annagu la hadalnay waxay yiraahdeen waa ka wada hadlaynaa, wixiina dib ayaanu u eegaynaa, wixii khaldana waa la isla saxayaa dhibaato weyn oo ka taagan ma ogi, haddii aysan hadda soo bixin”
Wuxuu sheegay in guddiyada doorashooyinka maamuladda kale ee Dalku ay yimaadeen magaaladda muqdisho oo ay la kulmeen Hay’adda UNDP oo dhaqaalaha doorashada maamulaysa, islamarkaana la xaliyay caqabadaha dhaqaalaha ee haysta
Gabagabadii, Afhayeenku wuxuu sheegay in Lacagaha lagu socodsiinayo doorashooyinku ay ka yimaadeen saddex meelood oo kaliya, oo ay ka mid yihiin lacagaha laga qaado murashixiinta u tartamaya aqalka hoose, deeq ka timaado beesha Caalamka iyo lacag ay bixiso hay’adda UNDP oo la siiyo howlwadeenadda Doorashooyinka Dalka oo dhan. Waxaa kaloo uu sheegay in lacagahaasi loo adeegsado dejinta, Safarada iyo cunnooyinka la siiyo ergooyinka ka qaybgalaya doorashadda