Muqdisho(INO)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ka digay in Dowladaha deriska qaarkood ay faragelin ku sameeyaan arimaha ku aadan Maamul U sameynta Gobolada dalka Soomaaliya, xilli hada lagu mashquulsan yahay maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya.
Farmaajo wuxuu sheegay inay tahay arin wanaagsan oo aad u qurux badan in dadka ay sameystaan Maamul ay ku midoobaayaan, balse muhiim ay tahay in Odayaasha dhaqanka loo daayo dhisida Maamuladaasi.
Wuxuu sidoo kale ka digay in faragelin lagu sameeyo habka Maamul U Sameynta Gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay in Dowladaha deriska qaarkood aysan soo fara gashan arimaha Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe.
Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay in Dowladda Dhexe ee dalka sidoo kale laga rabo inaysan fara gelin arimaha ku aadan Maamul U Sameynta Gobolada dalka, balse dowladda laga rabo inay taageerto habka Odayaasha dhaqanka ay u wadan dhisida Maamulada Gobolada dalka.
Isaga oo hadalka siiwata ayaa wuxuu sidoo kale sheegay Farmaajo in Federaalka dalka Soomaaliya uusan noqon mid ka awood badan dowladda dhexe ee dalka, wuxuuna Tusaale u soo qaatay Federaalka ka jira dalalka Mareykanka, Canada iyo Ethiopia oo uu sheegay in Dowladda dhexe ay leedahay awooda Maamul.
Hadalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shalay Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqay in Caasimada Maamulka Gobolada dhexe ay tahay Dhuusamareeb.
Dad badan ayaa isweydiinaya sababta dowladda ay faragelinta tooska ah ugu hayso Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe, xilli Dowladda aysan faragelin ku sameynin Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Idale News Online, Muqdisho