Deg deg:Qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

0
190

Idalenews-Qarax ruuxay magaalada oo hada dhacay,Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow oo caawa fiidkii ah ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo gaarigan laga shakiyay ka hor inta uusan qarxin.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la dhigay wadada dhinaceeda goobo ganacsi oo ku dhow, gaar ahaan agagaarka Carwo Alkowther.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu wargeliyay gaariga laga shakiyay, waxaana ay durbaba xireen wadada, iyadoo gaariga uu qarxay intii ciidamada amniga ku hareereysnaayeen.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaa looga shakisan yahay in lagu damacsanaa weerar is qarxin in lagu fuliyo.

Ciidamada ammaanka ayaa ku raad-jooga ninkii gaariga ka degay oo la sheegay inuu cararay, markii uu wadada dhinaceeda uu dhigay.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa ah mid aad u kooban, maadaama wadada la xiray ka hor inta uusan qarxin, dadkana lagu wargeliyay inay ka fogaadaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa qaraxyo is daba joog ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacayay wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama oo ah wado halbowle u ah isu socodka magaalad