Afgooye(INO)- Dagaalkaan ayaa wuxuu daba socdaa dagaal xalay ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka NO.50 oo fariisin Millateri ay ku leeyihiin ciidamo hab beeleed u abaabulan, balse ka tirsan Millateriga Somaliya.
Xoogaga Shabaab ayaa xalay fiidkii weerarka waxa ay ku ekeeyeen Difaacyada ciidamada ku leeyihiin deegaanka NO.50 iyadoo ciidamada ay iska caabiyeen weerarka Shabaabka ay soo qaadeen.
Saaka ayaa ciidamada ku sugan Deegaanka NO.50 oo si xoogan isku abaabulay, waxa ay weerar ku qaadeen Deegaanka Bariire oo ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac u dhaxeeyay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee weerarka qaaday ayaa sheegay in Saddex Askari oo Shabaab ka tirsan ay ku dileen dagaalka, halka ay soo furtay Rasaas iyo Booshash ay ka carareen dagaalyahano Shabaab ka tirsan.
Sarkaalkaan ayaa wuxuu sheegay ciidamada Millateriga Somaliya inay ku dhawaad saacad ku sugnaayeen deegaanka Bariire markii Shabaabka ay ka saareen, balse ay dib uga soo baxeen oo iminka ay ku soo noqdeen deegaanka NO.50.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Axmadey Qab-qable ayaa wuxuu sheegay dhankooda inaysan jirin wax Khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalka, ciidamada oo badqabana ay dib ugu soo laabteen deegaankii ay ka duulaan tageen.
Dadka Deegaanka waxa ay sheegeen dagaalka saaka dhacay inuu ahaa mid guul ay ku gaareen ciidamada Dowladda, maadaama si kadis ah weerarka ay u qaadeen, halka Shabaab aysan fileyn in ciidamada ay soo weerarayaan.
Ugu dambeyntii, Al Shabaab ayaa inta badan qaada weerarada ay ku beegsadaan Saldhigyada ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deeganada Gobolka Shabellaha hoose.