Ethiopia oo ka hadashey arimaha Baydhabo, sheegteyna…

0
192

Ambassador Wondimu Asammew Saafiirka Ethiopia u fadhiya Somalia, ayaa sheegay inay Dowladiisa dhexdhexaad ka tahay arrimaha Siyaasadda Somalia, isla markaana aysan wax faragelin ah ku haynin Siyassadda Somalia.
Danjire Asammew ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siyey mid kamid ah Idaacadaha Maxaliga ah ee Muqdisho, isagoona kaga hadley qodobo dhowr ah, kuwaa oo ay ka mid tahay Hawlgalkii ay Ciiddanka Ethiopia shalay ku qabsadeen magaalladda Ceel-buur iyo ujeedada ay Ciiddankaasi u joogaan dalka Somalia.
Ambassador Wondimu Asammew waxa uu Wareysigiisa faahfaahin kaga bixiyey hadallada ay dadka qaarkood ku sheegaan inay Ethiopia wadato Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaana uu beeniyey inay Ethiopia wataan Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inaysan arrintaasi waxba ka jirin, oo uu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad lahayn.
Waxa uu dhinaca kale sheegay inay Dowladda Federalka mas’uul ka tahay inay Madaxda u soo magacowdo deegaanadda lagala wareego Xarakadda Alshabaab.
“Waxaan Somalia u nimid si aan Dowladda Federalka gacan uga siino Nabadda iyo Dib-u-dhiska” ayuu yiri Ambassador Wondimu Asammew oo intaasi ku daray inaysan marnaba faragelin doonin Arrimaha Siyaasadda ee Somalia.
Dhinaca kale, Danjiraha waxaa wax laga weydiiyey dagaalka Ciiddanka Ethiopia kula wareegeen Ceel-buur, waxa uu sheegay in qeybta loo xil-saaray ciiddanka Ethiopia haatan horumar laga gaaray, oo ay ciiddanka Ethiopia shalay la wareegeen magaalladda Ceel-buur iyo Degmadda Maxaas.
Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM isbuucii hore gacanta ku dhigeen Xuddur, Waajid iyo Rab-dhuure.
Waxa uu tilmaamay inay ciiddanka la socdaan in ka badan 100-Enjineer, kuwaasi oo deegaannadda la qabto ka fulinaya mashaariic lagu dayactirayo Waddooyinka iyo Adeegyadda kale ee Bulshadda.

danjiraha1

Idale News Online, Muqdisho.