Allaha u naxariisto wiilka Sawirka ka muuqda. Xasan Aden Kerow ayaa maanta lagu aasay Baydhabo. Bal is weydii muxuu galabsaday oo naftiisa ku waayay?
Wuxuu tusaale u yahay barbaarta Soomaaliyeed ee qaar ay dileyso xabbad Soomaaliyeed qaarna xabbad shisheeye. Qaar ay goobaha dagaallada iyaga oo dhinacyo kala duwan ka soo jeeda ay iyagu is dilayaan. Qaar kale lagu hayo xabsiyo Soomaaliyeed ama xabsiyo shisheeye iyaga oo ku eedeysan xag jirnimo ama argaggixiso.
Qaarka waxaa u adkeysan waayay ee dibadda u qaxay xaalku uma sahlana. Waxaa sugaya tahriib badda ama lama degaanka ka sokeeda lagu dhimanayo ama lagu siganayo.
Kuwo dalalka deriska jooga oo qaar badan ay yihiin sharci la’aan waxaa ay ku nool yihiin cabsi iyo caga jugleyn. Maanta oo u dambeysay Dowladda Kenya waxay dadweynaheeda ka codsatay qof sharci aan haysan hadday arkaan in ay soo sheegaan.
Bal qiyaas marka aad tahay dhowr iyo toban jir ama dhowr iyo labaatan jir aan sharci lahayn, dalka aad ku nooshay dadkiisa oo dhamina ay amar ku qabaan in ku soo sheeegaan?
Kuwa gudaha ku haray, in badan oo ka mid ah ma haystaan waxbarasho iyo shaqo midna. Daryeel caafimaadna ha sheegin.
Jiilka maanta koraya intooda ka badbaadda khataraha maxay ku korayaan maxayse berry dalka u qaban karaan?
Jiilka ka waaweyn ee xaaladdan abuuray, ama xallin la’, sow ma noqon doonaan ayax teg, eelna reeb?
BY: Yuusuf Garraad Cumar, madaxii hore ee laanta afka soomaaliga ee BBCSomali
Idale News Online