Warar la isku halleen karo oo ka ag dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in afhayeenkii madaxweynaha Soomaaliya ahna la taliyihiisa mudane Injineer Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Yariisow) uu iska casiley xilkii uu ka hayey xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Injineer Yariisow ayaa bishii April sanadkii 2013 loo magacaabey afhayeenka madaxweynaha ahna la taliye sare, wararka ayaa intaas ku daraya in uu shalay iska casiley xilka.
Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Cumar ayaa ku gaabsadey in uu xilka iska casiley sababtuna ay tahay sidii uu fursad u siin lahaa dhalinyarada kale isla amrkaana uu isugu diyaarin lahaa in uu raadsado fursado kale.
Eng: Yariisow ayaa horey ula soo shaqeeyey xukuumadihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya, waxa uu ka soo shaqeeyey xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Waxaana uu xukuumadda laba jeer ka noqdey Wasiirka Lacagta iyo Wasiirka Warfaafinta, xukuumaddii u danbeysey ee kumeelgaar ah ee uu hoggaaminaayey Dr Cabdiwerli Cali Gaas ayuu ahaa afhayeenka xukuumadda ahna la taliye sare.
Yariisow ayaa wax badan ka bedelay xafiiska madaxweynaha dowladda maadaama uu ahaa isha lagala soco dhaqdhaqaaqa iyo isbedellada ka jira xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.