Garbahaarey (INO) — Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa markale Duqeyn Cirka ah ku fuliyay Gudaha Gobolka Gedo, ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ay u geesteen Shacabka Khasaaro badan.
Labo Diyaaradood oo Militariga Kenya leeyahay ayaa waxaya duqeeyeen Deegaanka Godan-Dhawe oo ku yaalla Meel u dhaw Xadka Soomaaliya uula wadaago Kenya, waxaan halkaasi ay ku dileen Tirada Dad ah & Xoolo badan, sida Sarkaal katirsan Maamulka Gobolka Gedo u sheegey INO.
Deegaanka Godan-dhawe waxaa hadda gacanta ku haya Al shabaab, balse waxaa xusid mudan in Deegaanka Shacabkiisa ay yihiin Xoolo dhaqato kuwaasi oo markasta Khasaaro kasoo gaarta Duqeyamaha Ciidanka Kenya.
Kenya waxay sidan oo kale Duqeymo uga fulisay Tiro badan Gudaha Gobolada Gedo & Jubbooyinka, waxaana jirin illaa hadda Cid arrimhaasi Xad-gudubka & Xasuuqa Shacabka ah kala hadlay.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo