Dhageyso: Zakariye Ismaaciil Oo ka Warbixiyay Sidii Uu Uga Biiray Al-shabaab iyo Sidii Uu Uga Soo Goostay

0
271

Muqdisho(INO) — Wareysi uu BBC-da siiyay, Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ka mid ahaa Al-shabaab, balse kasoo goostay ayaa kaga hadlay sababtii uu Al-shabaab uga ugu biiray, sababtii uu uga baxay, noloshiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Zakariye_oo_VOA_da_la_hadlay

Zakariye ayaa saddexdii bilood ee Saddexdii bilood ee ugu dambeysay ku noolaa dhisme ay ilaalo xooggan ka hayso hay’adda Nabad-sugidda Qaranka; iyadoo tani ay noqonayso markii u horeysay oo uu suxufi ajnabi ah uu la fariisto, illaa markii uu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda Somalia.

Taliyhii sirdoonka Al-shabaab, Zakariye oo 33-jir ah ayaa ka mid noqday kooxdan 2007-dii, wuxuunasheegay xusay in ujeeddadii uu ugu biiray Al-shabaab ay ahayd in Somalia la xoreeyo ciidamadii Itoobiya ee soo galay.

“Ujeeddadii aan Al-shabaab ugu biiray waxay ahayd in Somalia laga saaro ciidamo dalalka dariska ka mid ah oo Fara-gelin ku sameeyay, laakiin Waddadaas waa la qalday,” ayuu yiri Zakariye Xirsi oo ka hadlayay ka mid noqoshadiisii Al-shabaab.

Sidoo kale, Zakariye Xirsi oo si Wanaagsan ugu hadla Ingriiska, isla markaana Jaamacad ku taalla dalka Baksitaan wax kusoo bartay ayaa intaas ku daray in markii uu dalka kusoo laabanayay ujeedadiisa ay ahayd inuu guursado oo uu mustaqbal wanaagsan sameysto.

Zakariye oo la weydiiyay su’aal ahayd; Inay ula muuqato in markii uu Al-shabaab kasoo goostay uu lumiyay awood badan oo uu lahaa ayuu ku jawaabay. “Taasi ma ahan wax sax ah… awood aan lumiyayna ma jirto… marka kasoo tagayay waxaa korortay awooddeydii, go’aan ii gaar ah ayaana qaatay.” Isagoo iska fogeeyay inuu wax ka ogaa weerarkii Westgate Mall ay Al-shabaab ku qaaday September 2013-kii, uuna Al-shabaab ka baxay isagu bishii Juun sannadkii 2013-kii.

Waxaa kaloo uu sheegay inuu xubin ka noqday Sirdoonka Al-shabaab Sannadkii 2010-kii, balse wuxuu iska fogeeyay inuu xubin ka ahaa qaybta amniyad ee Qorsheysa weerrarada is-qarxinta ah.

Dhanka kale, Zakariye wuxuu xusay in hoggaankii hore Al-shabaab uusan wax wadahadal ah la gelin hoggaamiyeyaashii kale, isla markaana qaar ka mid ah saaxibadiisa la dilo, qaarkoodna la xiro oo illaa iyo haatan ay xabsiyo ku jira. Isagoo intaas ku daray inay isku dayeen Al-shabaab inay isaga dilaan, balse uu si dirqi ah uga baxsaday, haddana ay ugu yeeraan erayga Murtad oo ah inuu ka baxay diinta Islaamka.

Su’aal ahayd wuxuu qabto ayuu kaga jawaabay; “In inta badan uu buugaag akhriyo uuna isticmaalo taleefoonnada gacanta, isla markaana uu leeyahay baro bulshada lagula xiriiro sida Facebook iyo Twitter.”

Mar kale ayaa la weydiiyay; sida uu u arko Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaddy Jaamacada Gaarisa ee ay Al-shabaab sheegatay mas’uuliyadiisa, wuxuuna ku jawaabay. “Runtii waan ka naxay weerarkaas, arday dhallinyaro ah oo Jaamacad dhiganeysay ayaa la laayay, aniga aan iska soo qaado anigoo jaamacad dhiganaya ma jeclayn inaan la i dilo. Waana weerar aan raad ku laheyn Islaamka, aad ayaana uga xumahay.”

Wariyaha wargeyska ka qaadayay Zakariye Xirsi ayaa Warbixintiisa ku sheegay in aad loo dhaqaaleeyo, si wanaagsana loola dhaqmo, iyadoo Zakariye Xirsi laftiisu ka mahad-celiyay sida loosoo dhaweeyay iyo sida loola dhaqmo.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay qorshihiisa siyaasadeed maadaama uu horay uga tirsanaa Al-shabaab inuu doonayo inuu xildhibaan noqdo, ayuu ku jawaabay isagoo ilko-cadeynaya “Jagada muhiim ma ahan ee waxaa muhiim ah inaad dalka bad-baadiso.”

Idale News Online, Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here