Muqdisho(INO)- Dr Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in xukunka ay dheereystaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ama waqti dheeraad ah loogu daro dowladda hadda jirta.
Wareysi uu siiyay Warbaahinta ayuu ku sheegay in madaxda maanta joogta ay iyagu dalka horseedeen fashil, sida dhaqaalaha iyo ammaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu tilmaamay in madaxda maanta joogta laga doonayey inay la yimaadaan wax qabad muuqda, hase ahaatee aan la arag illaa iyo hadda waxqabadkooda.
“Madaxda maanta joogta in la yiraahdo waqti ayaa loo kordhinaa waxaan u arki donnaa ciyaar, maxaa yeelay madaxdaan waa kuwii horseeday fashilka maanta aan dhex taagannahay, waa kuwii ku fashilmay inay keenaan dadka wax ay ku heshiis yihiin, dhaqaalihii, amniga iyo waxyaabo badan, ayaga dib waaba loo dooran karaa, laakiinse waxay dhibaatada ka taagan tahay baarlamaan cusub sidii loo keeni lahaa, qaabka loo soo xuli lahaa xildhibaanada iyo arrimo kale” ayuu yiri Dr Baadiyow.
Dhinaca kale Mr Baadiyow ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligaan u baahan tahay cid samata bixisa, shacabkana mideysa, islamarkaana dhaqaajisa dowladnimada.
Dadka Soomaaliyeed ayaa xilligaan ka tashanaya nooca ay noqon karto doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016-ka.
Idale News Online, Muqdisho