Ramadi(INO)- Dagaal culus, ayaa weli ka sii soconaaya Magaalada Ramadi oo dhacda bartamaha dalka Ciraaq, waxaana bishii May dagaal culus kula wareegay Xoogaga Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka).
Ramadi waa Xarunta Gobolka Anbar, waxayna qiyaastii 110km dhinaca galbeed kaga toosan tahay Magaalada Baghdad Ee Caasimadda Ciraaq.
Ciidamada Dowladda Ciraaq oo gacan ka helaaya maleeshiyaad deegaanka ah, dhinaca cirkana ay ka caawinayaan dalalka isbahaysiga ee Mareykanka uu hogaamiyo, ayaa waxay la wareegeen boqolkiiba lixdan (60%), gacan ku haynta Magaalada Ramadi.
Diyaaradaha dagaalka isbahaysiga, ayaa garaacaaya goobaha muhiimka ah ee Daacish kaga sugan tahay Ramadi, sidoo kalana waxay beegsanayaan gawaarida dagaalka iyo goobaha ay keydka rasaasta u yaallaan.
Iyadoo inta badan dadkii deganaa Magaalada ay kol hore isaga barakaceen, ayaa tiro yar oo ku hartay waxay xaqiijiyeen in Ciidamada Dowladdu, ay qarka u saaran yihiin in ay gaaraan bartamaha Magaaladaasi.
Warbaahinta Ciraaq, ayaa qoreysa in Ururka Daacish uu iska luminaayo gacan ku haynta xarumaha muhiimka ah ee ku yaala Ramadi, hujuum weyn oo kaga imaanaaya dhinacyada is garabsanaaya awadeed.
Ramadi, ayaa waxaa ka muuqanaaya burbur xoogan oo ka soo gaaray dagaalada ku soo noq noqday, waxaana xilligan la saaray culeyskii ugu weynaa, tan iyo bishii May.
Idale News Online, Riiqa