Muqdisho(INO)-Kadib markii dhawaan hey’adaha Turkiga ay joojiyeen addeegii nadaafadda Muqdisho ayaa saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga oo magacooda ka gaabsaday waxa ay Goobjoog u sheegeen in dib loo bilaabayo hawlihii nadaafadda muddo maalmo gudahood ah.
Waxa ay sheegeen in sababo farsamo dartood , balse haatan si buuxda dib loogu bilaabayo 2 maalmood gudahood.
Dhawaan agaasimaha waaxda nadaafadda ee magaalada Muqdisho ayaa Goobjoog u sheegey in dowladda Turkiga ay joojisey hawlihii nadaafadda si KMG ah, balse wuxuu sheegey in laga yaabo in sababo yaryar dartood loo joojiyey, suurogalna tahay in dib loo bilaabo.
Dowladda hoose ee magaalada Istanbul iyo hey’adda bisha cas ee Turkiga ayaa hawlo kala duwan ka waday magalaada Muqdisho oo isugu jirey soo celinta bilicda iyo waliba nadaafadda.
Idale News Onlin, Muqdisho