Danjire Kay oo gaaray Kismaayo, xilli Jubbland & Puntland heshiis ku kala saxiixdeen

0
191

Kismaayo(INO)-Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayaa maanta waxa uu booqasho rasmi ah uu ku tagey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Amb. Nicholas Kay iyo wefdi uu horkacaayay oo barqanimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Garoonka ku soo dhaweeyay, ayaa waxay u galbiyeen Aqalka Madaxtooyada Kismaayo, oo uu ku sugan yahay Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Si rasmi ah looma shaacin waxa uu ku qotomo socdaalka Nicholas Kay ee Magaalada Kismaayo, laakiin waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Jimcihii ay Magaaladaasi heshiis ku wada gaareen Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Idale News Online,Kismaayo.