Cadaado (INO) — Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Maanta oo Axad ah xaqiijisay xilliga kama danbaysta ah ee uu furmayo Shirka Maaulka loogu dhisayo Gobolada Galgaduud & Mudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka ah ee Soomaaliya C/raxmaan Odawaa oo ku sugan Cadaado ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in Maalinta Arbacada ah ee soo socota (17-ka Abriil, 2015) Magaaladaasi uu ka furmi doono Shirka Maamulka Gobolada Dhexe lagu unkayo.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha Dhaqanka & Madaxda Dowladda ay tagayaan Magaalada Cadaado Maalmaha soo socda, kadibna Arbacada ay si rasmi ah u furmi doono Shirka mudada dheer lawada sugayay ee Gobolada Dhexe.
Dhowr Jeer oo hore, waxaa siyaabo kala duwan uu baaqday Watiga uu billaaban lahaa Shirka, waxaana jira Caqabado badan oo ay kamid yihiin Faragelin Dalalka Deriska ah & Maamulka Puntland oo kasoo horjeeda in Galgaduu & Mudug Maamul loo dhiso.
Idale News Online – Cadado