Maamulka Dowladda Soomaaliya ee ka jira Gobolka Baay, ayaa waxa uu ku soo baraarugay weerarkii ismiidaaminta ee toddobaadkii hore ruxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Maamulka Gobolka Baay, ayaa wuxuu sameeyay Ciidan si gaar ah ula socdo gaadiidka imaanaaya Magaalada Baydhabo, kuwaa oo la marsiiyo baaritaano adag, si ammaanka loogu xaqiijiyo.
Gaadiidka ku sugan Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa la bilaabay in loo qaybiyo waraaqado aqoonsi ah, si loogu ogaado gaadiidka in ay kaga hawlgalaan Magaalada Baydhabo iyo Gobolada kale ee Soomaaliya.
Mustaf Ibraahim Cali, Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Baay, ayaa wuxuu sheegay tallaabadaan inay ka dambeysay, kadib weerarkii ismiidaaminta ee gil gilay Magaalada Baydhabo.
Mustaf wuxuu iftiimiyay in Maamulka Gobolka Baay uu ku soo baraarugay qaraxaasi, isla-markaana uu ka gaashaamanaayo qaraxyo lamid ah qaraxaasi, oo ka dhaca Magaalada Baydhabo.
Idale News Online, Baydhaba.