Dowladda KGS iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isku Haaya Canshuurta Geella Siinka-dheer Ee G/Sh/Hoose

0
243

Sinkadheere(INO)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa ay isku heystaan Canshuurta laga qaadayo, Geela Muqdisho loo keeno Qalliinka, kaasoo laga soo Iibiyo deegaanka Siinka dheer oo ay Labada Maamul Aaminsanyihiin in ay Soohdintooda ku jirto.

kgs

Dowladda  Koofur Galbeed Soomaaliya  iyo Ganacsatada Geela Iibisa ayaa isku Fahmi waayey in Canshuurta ay siiyaan Dowladda KGS , waxaase ay Dowladda KGS ka Carootey taas, waxayna Sababtay in Koonfur Galbeed ay Geela laga keeno Gobollada  KGS  joogo aysan soo mari karin, goob lagu joojiyana ay ka Sameysteen Lafoole.

Berri ayey sheegeen Ganacsatadu in uusan Hilib ka jiri doonin Muqdisho, haddii aysan Dowladdu Arrintaas wax ka qaban.

Lacagta Canshuurta ee Neefka Geela ah looga qaado deegaanka Siinka dheer Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ah 120,ooo sh. Somali ah, waxaana Lacagtaas qaata Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda  Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa Seylad Cusub oo lagu Iibiyo geela ka Furtay Lafoole, waxaana ay Ganacsatadu diideen in ay Suuqaas wax ku Iibiyaan, intaas keddib ayuu isaguna ku Hanjabay in aysan Xooluhu soo dhaafi doonin Lafoole.

Ugu dambeyntii Labada Maamul ayaan midkoodna Arrintan kala Hadlin Warbaahinta, waxaase ay tahay Dhibaato Cusub oo soo Wajaheysa ka Ganacsiga Geela iyo in Hilibkiisa laga helo Suuqyada Muqdisho.

Idale News Online, Sinka Dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here